Macluumaadkan waxbarashada ah waxa lagu eegay waxyaabaha noqon kara isbedal, iyo waxyaabaha caddeyn u noqon kara isbedalkaa iyo sidoo kale, qaabka ugu habboon ee loo isticmaali karo erey bixinta amma kalmadaha ugu haboon marka bulsho Somaaliyeed lagala hadlayo gudniinka hablaha. Waxa sidoo kale lagu darsay waxyaabaha ay ka siman yihiin iyo waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin bulshooyinka Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka geeska Africa. Kadibna waxaa lagu soo bandhigay lixda qaab ee lagu joojin karayo gudniinka ee ay dejisay hay’adda UNICEF, iyada oo qaababkaas loo isticmaalay hannaanka lagu eegayo su’aalo wax-ku-ool ah oo ka caawin kara dadka u ololeeya joojinta gudniinka iyo hay’adaha ka shaqeeya hawshaa muhiim ka ah. Waxa sidoo kale lagu soo ban dhigayaa hab lagu qiimeyn karo, si weyn na loogu baahin karo lixdaas qaab.
Macluumaadkan waxaa loogu talagalay dadka ka shaqeeya joojinta gudniinka hablaha ee bulshooyinka Soomaaliyeed. Waxaa laga diyaariyay amma laga soo saaray kulamo aqoon isweydaarsi ah oo la qabtay mudadii u dhexaysay September ilaa December 2024, kuwaas oo ay ka qeybgaleen hawlwadeenno Soomaali ah oo ka shaqeeya arrimaha gudniinka Geeska Afrika, aqoonyahanno iyo cilmi-baarayaal qiimeyn ku sameeyay caddeymaha la ururiyay, iyo siyaasad dejiyayaal iyo sidoo kale, ururada u ololeeya in isbedal lagu sameeyo dhaqanka gudniinka hablaha.